
Mahad ballaaran waxay usugnaatay Allaha i waafajiyay inaan qoro buug cilmiyeed ka tarjumaya cilmiga farsamada harqaanka, gaar ahaan barashada qiyaasta baacyaraha qeybtiisa 1aad. Buuggan waxa uu ku saleysan yahay in lagu hormariyo xirfadaha farsamada gacanta ee bulshada Soomaaliyeed, iyadoo diiradda la saarayo sidii aqoon lagu faa’iidaysto loogu gudbin lahaa jiilalka cusub.
Waxaan Alle ka baryayaa in buuggan uu noqdo mid sare u qaada aqoonta farsamada yaqaannada, kana qeyb qaata kobcinta horumarka bulshada. Buuggan waxa uu si gaar ah ugu hibeeysan yahay waalidkey, kuwaas oo aan mar kasta u duceeyo in Alle u galladaysto samir iyo ajar.
Ujeedada buuggan waa in lagu bixiyo cashirro habaysan oo si sahlan loo fahmi karo, iyadoo aan diiradda la saarin waxyaabo dheeraad ah oo buuxinaya bogag badan. Waxaan rajeynayaa in akhristayaasha ay ka faa’iidaystaan buuggan oo ay u adeegsadaan horumarinta xirfadahooda farsamada harqaanka.
Diyaariyey:
Maxamed Axmed Nuur
Macalin ka tirsan iskuulka farsamada harqaanka ee JUUNI JAWAAN.
